DEG DEG:-Saraakiishii Ugu Sareysay Hey'ada (NISA) Oo Sababo aan la shaacin shaqada looga fadhiisiyay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Saraakiishii Ugu Sareysay Hey’ada (NISA) Oo Sababo aan la shaacin shaqada looga fadhiisiyay

Muqdisho (Mareeg News ) wareegto kasoo baxday xafiiska taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Somaaliyeed ayaa Shaqada laga joojiyay Taliye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Hey’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka  Soomaaliya.

Warqad uu soo saaray Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada looga joojiyay Sare guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Gaashaanle sare Cabdulqadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka kowaad iyo kan labaad ee Nabad sugida Soomaaliya.

Iyadoo Qaraxyo isdaba joog ah ay maalmihii lasoo dhaafay ka dheceen magaalada muqdisho ayaana la ogeeyn Sabata shaqa ka joojinta saraakiishan waxaana suura gal in shaqa joojinta lagu sameeyay saraakiisha uga sareeysay Hey’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay kamid naqan karto Isbadalada ay dowlada ku dooneyso ineey wax uga qabato amaanka Faraha kasii baxaya ee magaalada muqdisho.

Wixii ku soo kordha waxaad uga bogan doontaan wararkeena soo socda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!