
muqdisho ( mareeg news ) Howl qorshaysan oo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ay ka fuliyeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa lagu dilay inka badan Soddon Ka tirsan Ajaanibta Argagaixisada Al-shabaab, ka dib markii Ciidamadu ay ku weeraraan Guri ay Ka dagnaayeen Magaalada gudaheeda.
Xogta aan ka helnay Hay’adaha Amniga Qaranku waxa ay sheegaysaa in inta badan ajaanibtu ay udhasheen Kenya iyo Suudaan ,waxaana lala dilay Tarjubaanno Soomaali ah oo u shaqaynayay.
Howlgal Labaad oo Ciidamada Qaranku ka fuliyeen isla jilib waxeey dhaawac culus ugu gaysteen Dhagarqabe Bashiir Maxed Maxuud oo loo yaqaanno (Qoorgaab) kaas oo horay madaxiisa loo dulsaaray Saddex Milyan oo Doollar.
Hay’adaha Amnigu waxeey Isha Ku hayaan dhaqdhaqaaqa Maleshiyaada Shabaab gaar ahaan kuwa lagu dhaawacay hawlgalka Jilib oo uu ugu horeeyay Dhagarqabe qoorgaab.
Howlgalkan waa haddiyad ay Ciidamada Amnigu ugu deeqeen Shacabka maalmaha Xorriyadda awgeed, iyadoo lagu burburiyay halis argagixisadu lamaaganayd Shacabka Soomaaliyeed.
Xigasho SONNA