DEG DEG: RW Kheyre oo magacaabay Wasiiro Cusub (AKHRISO)

Read Time:37 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa goordhow waxa uu Magacaabey laba Wasiir oo mid ka mid ah uu buuxinayo xilkii uu baneeyey  Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa xilka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya loogu Magacaabey Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo horey u ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdullaahi Cali Xasan,waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli saacado uun ay kasoo wareegtay markii uu xilka iska casiley Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay xilkaan mar horey u soo qabtay,waxaana hadda uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.