DEG-DEG: Qaraxyo ka dhacay garoonka diyaaradaha Brussels ee Belgium (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Qaraxyo ka dhacay garoonka diyaaradaha Brussels ee Belgium (Sawirro)

Mareeg.com: Labo qarax ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Waaxda dab damiska ee Belgium ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in ay dhimasho iyo dhaawacba jiraan. Ma cadda waxa sababay qaraxyada.

Qarax kale ayaa laga soo sheegayaa xarun tareenada laga raaco oo u dhaw xarumo ay Midawga Yurub leeyihiin.

Xarumaha tareemaha oo dhan ayaana la xiray. Sidoo kale, waxaa la xiray xarrunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Dadkii ayaa laga daad gureeyay garoonka waxaana la baajiyay duulimaadyadii oo dhan. Waxaa la hakiyey dhamaan tareennada aada garoonka, iyagoo dadka looga digay iney aadaan Airport-ka

Sawiro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa muujinaya mid ka mid ah dhismayaasha garoonka oo uu qiiq ka baxayo, waxaana jira warar sheegaya in jahwareer uu ka dhacay garoonka intii ay dadku isku dayayeen in ay ka cararaan qaraxa.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ugu yaraan mid ka mid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay goobta tigidhada laga xaqiijiyo ee shirkadda American Airlines ay ku leedahay garoonka gudahiisa, balse warkaas lama xaqiijinin.

Warbaahinta Belgium ee RTBF ayaa soo xigatay qof goob jooge ah oo sheegaya in uu arkay dad dhaawac ah iyo kuwo kale oo miyir daboolmay oo daadsan qaybta ay dadku ka dhoofaan.

Dalka Belgium-ka ayaa heerka khatarta argagixiso gaarsiiyey heerkii ugu sarreeyey, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in bam kale laga helay gudaha garoonka.

Qaraxyadani waxay imanayaan afar maalmood kaddib markii magaalada Brussels lagu qabtay Salax Cabdisalam oo ahaa ninkii ugu muhiimsanaa ee loo raadinayay qaraxyadii Paris ka dhacay bishii November ee sanadkii 2015.

Daawo sawirro horudhac ah




Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!