Qaraxyo Iyo Weerar Is-xiga Oo Gilgilay Magaalada Baledweyne

Baledweyne, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey walxaha uu isku qarxiyey irridda saldhiga booliska magaalada Baledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in markii gaarigu qarxay ay saldhiga gudaha u galeen rag hubeysan, waxaana halkaas laga maqlay raasaas xoog leh oo ay dhaafsadeen ciidamada saldhiga joogay iyo kooxda weerarka qaadday.

Agagaarka saldhiga qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay iney ku yaallaan maqaayaddo ay fariistaan dadka u shaqeeya dowladda ama dadka dowladda ka ag-dhow, maadaama goobahaas aan qolooyinka bastoolada wax ku dila aysan tegi Karin.

Goobjooge ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Mareeg.com u sheegay iney maqlayaan rasaas xoog leh iyo qaraxyo dhowr ah, islamarkaaana meelaha ka dhow goobaha weerarku ka dhacay aan banaanka loo bixi Karin.

Goobjoogahaan oo magaciisa qariyey ayaa sheegay iney jirto dhimasho aan yareyn, iyo dhaawac badan, iyadoo xitaa dadka dhaawacmay ay ku jiraan qaar ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdega ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha weerarka geystay ay gudaha u galeen, islamarkaana ka dagaallamayaan dhismayaal dhowr ah oo ay ku jiraan dhismayaal hay’adadeed.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa dhawaan hadal uu jeediyey ku sheegay inaan reer Baledweyne ku mashquulin khilaaf gudaha oo la xiriira xagga maamul dhisidda, iyasoo ka digay Alshabaab ka faa’iideysan karaan.

Bishii hore October ayaa qarax Ismiidaamin ah oo dhacay agaagaarka xarrunta gobolka Hiiraan waxaa ku dhintay dad farabadan, waxaana ku dhawaacmay tiro kale oo aan yareyn.

Wixii soo kordha kala Soco Mareeg.com Inshaa Allaah

Previous post Meydka Masuul Ka Tirsan Maamulka Somaliland Oo Laga Helay Hotel Dhaca Bariga Hargeysa
Next post Ajnabi Sheegtay Inuu Yahay Dalxiis Oo Ay Hakisay Waaxda Soocdaalka Soomaaliya