DEG-DEG: Qaraxyo iyo rasaas xoog leh oo ka dhacday afaafka hore ee Villa Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Qaraxyo iyo rasaas xoog leh oo ka dhacday afaafka hore ee Villa Somalia

Muqdisho – Mareeg.com: Qarax xoog leh iyo rasaas ayaa ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, xilli inta badan dadku jireen masaajiidda waqtiga salaadda Jimacaha.

Markii hore waxaa la maqlay qarax weyn oo ka dhacay meel ku dhow mid ka mid ah albaabada madaxtooyada Soomaaliya ee xiga dhanka degmada Boondheere.

Lama oga ilaa hadda in rasaastu aheyd mid ay ridayeen ciidamada iyo iney aheyd mid ay si weydaarsanayeen labo dhinac oo iska horjeeda.

Waxaa goobta ka muuqanaya gaari gubanaya oo loo maleynayo inuu ahaa gaarigii is qarxiyey, waxaana sidoo kale la maqlay labo qarax oo kale.

Waxaa markii dambe dhanka Xararyaale ka galay madaxtooyada ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, waxaana markaas kadib hadana la maqlay rasaas xooge lah, taasoo joogsatay daqiiqado kadib.

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa iminka wada howlo lagu daad gureynayop dadkii weerarkaas ku waxyeeloobay, welina lamaaha amaanku kama hadlin weerarkaan.

Xaaladda ayaa hadda degan waxaana goobta gacnta ku haya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Alshabaab oo horay Muqdisho uga geystay weeraro nuucaan ah ayaa durba bar taageerta ku qoray iney qaadeen weerararkaas, mana bixin faahfaahin dheeraad ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!