DEG DEG:-Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay qeyb kamid ah Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, sida aan wararka ku helnay.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa ka dhacay xaaladda Towfiiq ee Yaashiid, isla markaana waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiyaha Yaaqshiid iyo Askar ilaalo u ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxa kadib ay rasaas badan fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka, waxaana uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas ka dhacay Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxaas, waxaana kahad ku jira isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo dadka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More