Qarax & weerar ka dhacay wasarada Tacliinta Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax & weerar ka dhacay wasarada Tacliinta Somalia

Mareeg.com: Qarax xoog leh ayaa goor dhow lagu qaaday Xarrunta Wasaaradda Tancliinta Sare ee Soomaaliya, ee ku taalla agagaarka Isgoyksa Zobe ee magaalada Muqdisho.

Wasaradda_Hiddaha_talciinta_Sare

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay qarax gaari oo lagu dhuftay albaabka hore ee Wasaaradda.

Wararku waxey intaas ku darayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarrunta wasaaradda Tacliinta Sare, halkaasna ay rasaas ka bilaabatay.

Qaraxa ayaa la sheegay in khasaarooyin kala duwan gaarsiiyey dad u badnaa rayid oo ku ganacsanayey hareeraha dhismaha wasaaradda.

Labo gaari oo ay dad shacab ah la socdeen ayaa la sheegay iney burbureen oo dadkii la socdayna dhibaato soo gaartay, inkastoo aan tirada khasaaraha la sheegin.

Xarrunta wasaaradda ayaa waxaa gaaray ciidamada amaanka iyo gaadiidka gurmadka degdeg ah, iyadoo halkaas dad dhaawac ah laga qaaday.

Goobjoogayaal haatan ku sugan ayaa soo sheegaya in laga shaki qabo iney dhismaha wasaaradda ku sugan yihiin ragii weerarka ku qaaday.

Waxaa mar dhow goobta gaaray ciidamo ka socda kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarka lagu qaaday xarrunta wasaaradda Tacliinta Sare ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan wasaaradda Waxbarashadu ku dhawaaqaday in imtixaan qaran oo mideysan laga qaadi doono arday ka qalin jebinaya dugsiyada sare ee dalka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!