DEG DEG: Qarax miino oo ay ku dhinteen Ciidamo kenyan ah oo ka dhacay Gobolka Gedo. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Qarax miino oo ay ku dhinteen Ciidamo kenyan ah oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Muqdisho ( Mareeg News ) Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacaya wadada isku xirta Ceelwaaq iyo Mandheere waxaana ay la kacday gawaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee Amisom.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay STAR FM u sheegeen in qaraxa miino ay ku dhinteen askar Kenyan ah kuwo kale na ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa la tilmaamay in ay u socdaalayeen howlgal laga sameynayo qeybo kamid ah deegaanada maamulka Jubaland.

kadib Qaraxa  Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in  rasaas u rideen  Jihooyin kala duwan, waxaana la tilmaamay in ay ku dhaaawacmeen dad goobta ka dhawaa.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaan iyagoo sheegay  in afar askari oo kenyan ah in ay ku dileen, halka kuwo kalana ay ku dhaawaceen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!