DEG DEG :- Qarax Lagu Xeray Gaari Oo Muqdisho Lagula Beegsay Qof masuul ah. — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG :- Qarax Lagu Xeray Gaari Oo Muqdisho Lagula Beegsay Qof masuul ah.

Muqdisho ( Mareeg News ) Waxaa goor dhow qarax laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa qarax loogu xiray gaari qof uu saarnaa, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Xaaji Baasto ee degmada Hodan, una dhow Jidka Maka Al-Makarama, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca raaxada ah.

Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay oo ahaa ninkii gaariga waday, waxaana jira in qof kale uu ku dhaawacmay oo ka ag dhowaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaasoo wadada xiray, baaritaana wada.

Gaadiidka gaarka loo leeyahay ee qaraxyada lagu xiro ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada lagu khaarijiyo shaqsiyaadka kala duwan, sida saraakiisha ciidamada, wariyeyaasha iyo dadka kale, waxaana mas’uuliyadooda sheegata Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!