DEG DEG: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxan oo geystay khasaaro u badan dhaawacyo ayaa goordhow waxuu ka dhacay bartamaha Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg Online in labo Ruux ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu intaasi ku daray in uu arkay dhaawaca labo ruux oo lala cararay goobaha caafimaadka, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Weli lama oga cidda wadatay gaarigii ku qarxay Isgooyska Zoobe.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu waxyeello ka soo gaaray Shaqaalo Hay’addeed.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kala soco www.mareeg.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More