DEG DEG: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho
Waxaa lagu soo waramayaa in Qarax xoogan uu goordhow ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu beegsaday Gaari nooca loo yaqaan SURF, kaasi oo mararayay Degaanka Weydoow ee Duleedka Muqdisho.
Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg Online n Qaraxa uu ku dhintay hal ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo kale.
Weli lama oga shaqsigii watay Gaariga Qaraxa lala eegtay.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.
Comments are closed.