Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

28

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxaan oo loo maleynayo in ahaa miinada  nooca gawaarida lagu dhejiyo uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Taleex ee Magalada Muqdisho.

Qaraxan jugtiisa ayaa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Sarufta ayaa la sheegay in uu qarxay,waxana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas,iyada oo gaariga qarxay uu haatan gubanayo.

Gawaari kale oo yaallay goobta uu gaariga ku qarxay ayaa burbur kasoo gaaray qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goordhow gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo wadada xiray.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!