DEG DEG: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
Waxaa lagu soo waramayaa in goordhow uu Qarax xoogan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxan oo sida la sheegay ka dhashay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxuu ka dhacay Waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Goojooge ayaa u sheegay Mareeg Online in Qaraxa uu ku dhintay shaqsigii watay gaariga.
Weli la oga shaqsigan ku geeriyooday Qaraxa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa xiray halka uu Qaraxa ka dhacay, waxaana socda baaritaano.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi.
Comments are closed.