DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Waxaa Caawa laga maqlay Qarax qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaa  la sheegay  in uu ka dhacay Xeebta Liido oo ku dhow Safaarada Turkiga. Qaraxaani ma gaarin Halkii loola danlahaa ee ah Maqaayad loo yaqaano Banaadir.

.

Maqaayada Banaadir Beach ah ayaa ah goob ay dhalinyarada ku caweeyaan, waxaana habeenka jimcaha ay tahay habeen camiran oo ay isugu tagaan dhalinyaro

Wasaarada Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Qarax loo adeegsaday Gaari uuna  ka dhacay Isgooyska u dhaxeeya Xeebta Liido iyo Saafarada Turkiga.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. laakiin wararka qaar ayaa sheegay in rag hubaysani Gudaha u galeen maqaaxida

 

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyaan weerar caawa fiidkii lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taal hareeraha Xeebta Liido.

War qoraal ah oo Al-Shabaab soo dhigeen baraha Internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in dableydooda ay howl gal ka wadaan gudaha maqaayada Banaadir Beach, ayna dagaalyanadooda ku jiraan.

Weerar ku bilowday qarax ayaa ka dhacay agagaarka Banaadir Beach, dabley hubeysan ayaa xoog ku galay afaafka hore ee maqaayada, iyagoo bilaabay rasaas inay ku furaan dadkii ku sugnaa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!