DEG DEG :- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Read Time:40 Second

Gaalkacyo ( mareeg News ) Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nuuca loo yaqaano Borobox ayaa maanta ka dhacay Waaqoyga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.



Qaraxaasi Ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay qof naftii hura ah oo la beegsaday Qaraxa goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 6 qof oo kala ah laba sarkaal iyo afar Askari oo ilaalo u`ahaa Saraakiisha dhimatay.



Sidoo kale waxaa jiro tiro dhaawacyo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalada ku yaala magaalada Gaalkacyo oo isugu jiro Askar iyo dad shacab ah, kuwaas oo ku dhaawacmay Qaraxaan ismiidaaminta ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay tilmaameyn in qaraxa uu haa mid xoogan dhawaqiisana laga maqlayay meelo fog fog.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %