Qof naftiis hure ah oo isku qarxiyey kolonyo ka tirsan ciidamada Gaashaan

Mareeg.com: Qarax Ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay agagaarka Afisyooni ee degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday kolonyo ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka tirsan, gaara ahaan sida gaarka ah u tababaran ee afka qarsada ee Gaashaan.

Ciidamada qaraxa gaari lagu weeraray oo kolonyo ahaa ayaa ku sii jeeday dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Gaariga weerarka lagu geystay, ayaa noociisu ahaa SUZUKI, wuxuuna ku Parking gareysna wado ku beegan wadada Xerada Afisyooni, iyadoo uu beegsaday Ciidamadii wadada maraayay.

Ciidamada aaamaanka Soomaaliya ayaa xiray aaga qaraxu ka dhacay, laman oga cidda bartilmaameedku ahaa.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana qaraxaasi kusoo beegmay xilli maanta si weyn loo adkeeyey amaanka nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda, ayaa saaka jaray dhammaan wadooyinka soo gala Qasriga Madaxtooyada, waxaana halkaasi lagu arkay Ciidamada oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay dadka ka celinayaan wadooyinka kore ee laga soo galo Madaxtooyada, iskaba daa gaadiidka warkooduba.

Tani waxaa lagu macneeyay, iyadoo uu jiro dareen laga cabsi qabo weeraro ka yimaada Ururka Al Shabaab, xilli Shabaabku ay laba goor oo hore ay weerareen Madaxtooyada.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245