DEG DEG:-Qarax Is-miidaamin ah oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Qarax Is-miidaamin ah oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa goordhaweyd laga maqlay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Qaraxaas oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa lala eegtay gaadiid nooca dagaalka oo ay saarnayeen Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad, xili ay ku sugnayaeen deegaanka Lafoole.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu dhacay xili Ciidanka Haramcad ay ilaalo ka haayeen Enginaradii dhisayay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, waxaana socda gurmad xoog leh oo loo samenayo dadkii waxyeelada soo gaartay, iyadoo xaalad kacsan halkaas ay ka jirto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More