Deg Deg:-Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Read Time:37 Second

Waxaa goordhow Qarax Culus uu ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir waxaana Qaraxa ka dhashay Khasaaro dad Shacab ah soo gaaray.

Qaraxaan dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa ahaa miinada Nuuca dhulka lagu aaso waxaana la sheegay in la giliyay dhinaca laamiga meel ku dhaw Ex Control Balcad iyadoona uu haleelay gaari Shacab ay saarnaayeen.

Qof Goobjooge ah ayaa sheegay in Gaari B.L ah uu haleelay Qaraxa ayna jiraan dad shacab ah oo Khasaaro soo gaartay in kastoo aan la ogayn inta ay gaarsiisan tahay.

Ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya oo fariisin ku leh meel aanan ka fogeyn goobta Qaraxa uu ka dhacay, ayaa durba halkaasi tagay, waxaana ay wadaan ciidanka Baaritaan ku aadan Qaraxa miinada ee dhacay.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %