
Read Time:26 Second
Jugta qaraxa ayaa waxaaa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay inj uu ka dhacay agagaarka Isgoyska sayidka ee Magaalada muqdisho.
Qaraxa ayaa waxa la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,isla markaana uu ku qarxay Koontoroolka Sayidka ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la arkayey Uuro cirka isku shareeertay,waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxaasi ka dhashay,waxaana Goobta kusii qul qulaya Gaadiidka Gurmadka deg dega iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.