Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Agagaarka KM4 Ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Qarax gaari ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasi ka dhacay inta u dhaxeysa KM4 iyo Taree BIyaano.

Warar horudahc ah oo soo baxay ayaa sheegaya in qaraxu geystay dhaawacyo, waxaana goobta qaraxu ka dhacay xiray ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda Soomaaliya.

Weli lama oga waxa uu ahaa gaariga qarxay, waxaana soo baxay warar kala duwan, wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu watay gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose Axmed Cumar Mudane.

Axmed Cumadane ayaaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, inakstoo aan la sheegin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisu.

Laamaha amaanku weli kama hadlai qaraxaas oo ahaa mid laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada Mqudisho, welina ay ku hareereysan yihiin ciidamada Amaanka, kuwaasoo xriay jidka Maka Almukarrama.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245