Deg Deg:-Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho
Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Argada Degmada Dayniile.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan,isla markaana uu ka dhacay Maqaayad ku taalla agagarka Kuliyada Jaalle Siyaad ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxa uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo goobta xiray.
La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.
Comments are closed.