DEG DEG:-Nabadoono Caan ah oo ka badbaaday Qarax ka dhacay Muqdisho

Read Time:56 Second

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, sida la xaqiijiyay.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo ay saarnaayeen Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu qbasaday gaariga xili ay marayeen Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo ilaalo u aheyd Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka  dad kale oo shacab ahaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo goobta ka agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah u gaary goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la xaqiijiyay inuu qaraxaas ka badbaaday Imaam Maxamed.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka xireen, iyagoona dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay halkaas maraan, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.