
Read Time:26 Second
Nabadoon caan ahaa ayaa Dabley hubeysan waxaa goordhow ay ku dileen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Ibraahin Cariif ayaa dilkiisa waxuu ka dhacay Masjid ku yaalla Xaafada Juungal ee Degmada Yaaqshiid.
Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Mareeg Online, in dabley ku hubeysnaa bistoolad ay ka dambeeyeen dilka Nabadoon Ibraahin Cariif.
Raggii ka dambeeyay falka dilka ahaa ayaa isaga baxsaday goobta.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan la ogeyn hadii dad lagu soo qabtay.