DEG DEG: M/weynayaasha Jubbaland, Puntland & Ra’iisulwasaare Sharmaake oo goordhow shir u dhamaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: M/weynayaasha Jubbaland, Puntland & Ra’iisulwasaare Sharmaake oo goordhow shir u dhamaaday

Shirka madasha wadatashiga Qaran ayaa wali ka furmin magalaada Muqdisho,waxaana soo baxaya kala aragti duwanaasho weyn oo u dhaxeeya Hogaamiyaasha ku shirsan Muqdisho.

Shir gaar ah oo saacado qaatay una socday Madaxweynayaasha dawladdaha Jubbaland, Puntland & Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya ayaa hadda soo dhamaaday, waxaana aan la aqoon arrimaha laga wada hadlayey.

Warar ku dhaw dhaw shirkan ayaa sheegaya in si gaar ah looga wada hadlay arrimaha la xariira doorashaddan iyo saameynta Siyaasadeed ee ay dhinacyadan leeyihiin.

Madaxweyne Gaas ayaa la xaqiijiyey in uu diidey in shirka lagu soo qaado heshiiskii 3-dii April lagu saxiixay Garoowe, kaas oo ay damaanad qaad ka ahayd Beesha Caalamka, gaar ahaana Urur Gobaleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Galmudug waxay horey u doonayeen in heshiiskan uu noqdo mid ay ka wada hadlaan Hogaamiyaasha Madasha, laakiin balankii waxaa uga baxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo soo dhaweeyey heshiiskan.

Ilaa hadda waxba shir ah ma furmin, waxaana suuragal ah in uu dib ugu dhaco galabnimada, maadaama Madaxweynaha Faderaalka la xaqiijiyey in uu aadayo furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya oo la rumeysan yahay in uu maanta furmayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!