DEG DEG:-Muran Xoogan oo ka taagan Furitaanka Kal-Fadhiga 4aad Baarlamaanka Soomaaliya
Waxaa hada Xarunta tababarka ee Janeraal Kaahiye ka socoto Munaasabada lagu daah furayo kalfadhiga afaraad ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
kalfadhiga afaraad ee labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in uu furo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa ku sugan Xarunta tababarka ee Janeraal Kaahiye halkaasi oo ay ka socoto Munaasabada lagu daah furayo kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa xarunta ku sugan Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan Sharafeed ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in Xildhibaanada Aqalka Sare qaarkood ay sheegeen in Maanta uusan u furmeynin kulankooda.
Sanoterada weli mashaacin sababta ay u qaadaceen furitaanka Kulanka Baarlamaanka labada aqal oo Maanta lagu waday in siwadajir ah u furmaan.
Comments are closed.