Deg Deg Muqdisho: Dab Ka Kacay Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Daalo Oo Khasaaro sababay+Sawirro

Muqdisho ( Sh.M.Network)-War Goor dhow na soo gaaray ayaa ku soo warramaya in shil  ay gashay diyaarad ka kicitintay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

 

Diyaaradda ayaa waxaa leh shirkadda Daalo Airline taas oo saaka u duushay dalka Jabuuti.

 

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda dib ugu soo laabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade islamarkaana  Goob Joogayaashu ay arkayeen 2 qof dhaawac ah  oo laga soo dajinayo diyaaradda.

 

Shilka ayaa waxa uu ka dhex dhacay diyaaradda gudaheeda kadib markii la sheegay in dab aan badneen uu diyaaradda ka  kacay gudaheeda.

 

Waxaa bur bur uu ka muuqday qeybo ka mid ah diyaaradda iyadoo khasaaraha inta badan uu ka soo gaaray mid ka mid ah garbaha diyaaradaas.