Mooshin ka dhan ah RW Cabdiweli oo mar kale maanta la geynayo baarlamaanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mooshin ka dhan ah RW Cabdiweli oo mar kale maanta la geynayo baarlamaanka

Mareeg.com: Golahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka kulan yeelanaya, iyadoo la filayo in mar kale la horgeeyo Mooshinka Kalsooni kala noqoshada R/wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah xoghayaha guddiga xeer-hoosaadka baarlamaanka ayaa sheegay in ajandaha shirka ee ay guddoonku shaaciyeen uu yahay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Waxaa la filayaa in xildhibaanda loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda, iyadoo horay hanjabaad loogu diray xidlhibaanadii buuqa ku jiijiyey fadhihii hore.

Wadooyinka qaar ayaa la xiray, gaar ahaan wadada hor marta Xarunta Golaha shacabka, halkaasoo lagu arkayo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo 11-kii bishaan kulan ka yeeshaay mooshinka dhanka ah xukuumadda R/wasaare Cabdiweli ayaa kala dareeray kadib markii xildhibaanada diidanaa ay buuq farabadan abuureen, gudoonkuna xakameyn waayey fadhiga.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!