DEG-DEG: Milateriga Ciraaq iyo Shiico hubeysan oo duullaan ku qaaday Ramadi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Milateriga Ciraaq iyo Shiico hubeysan oo duullaan ku qaaday Ramadi

Mareeg.com: Ciidamada dowladda Ciraaq iyo maleeshiyaad farabadan oo Shiico ah ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka magaalada Ramadi oo ah xarrunta gobolka Al-anbaar, taasoo axaddii lasoo dhaafay ay xoog kula wareegeen dagaalyahannada Khalaafada Islaamiga ah ama Daacish (ISIS).

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ciraaq ayaa xaqiijiyey in milateriga Ciraaq iyo maleeshiyada taageerta ee Shiicada ah u dhaqaadeen Ramadi, si ay halkaas uga saaraan Daacish.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay iney haataan ku sugan yihii magaalo lagu magacaabo Husayba oo dhacda galbeedka magaalada Ramadi.

Magaalada Ramadi oo ah deegaanka Suuniyiintu ay ku badan yihiin ayaa todobaadkii hore waxaa gacanta ku dhigay Khalaafada Islaamiga ah, kadib markii ay halkaas ku qaadeen weerar xooggan oo la adeegsaday gawaari qaraxyo lagu soo raray.

Bishii April ee lasoo dhaafay ciidamo yar oo ka tirsan milateriga Ciraaq oo gaarayey 3 kun iyo 20 kun oo maleeshiyaad Shiico ah ayaa magaalada Tikrit kasoo ceshaday mintidiinta Daacish.

Magaalada Tikrit waxey sida Ramadi tahay deegaan ay ku degaan beelaha Sunniyiinta ah ee dalka Ciraaq, waxaana mar qabsaday Daacish.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!