Meydka Raysul Wasaarihii Hore Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Laga Dejiyey Muqdisho

Read Time:53 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Diyaarad Turkish Airweys oo sidday meydka R/wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Mareykanka ayaa saaka oo jimce ah soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho abaare 8:55 AM.

Garoonka diyaaradaha waxaa ku suganaa madaxda ugu sareysa Qaranka Soomaaliyeed sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, R/wasaare C/weli Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaawi iyo mas’uuliyiinta maamullada gobollada dalka.

Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ka soo dejiyey diyaaradda meydka R/wasaarahii C/risaaq Xaaji Xuseen.

Meydka Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa lagu wadaa in lagu dhinac aaso madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde Cusmaan oo ku aassan agagaarka Ceel Carfiid oo dhanka wadada laamiga ah uu baxda degmada Balcad.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, inta ay socoto munaasabadda aaska qaran ee loo sameynayo R/wasaarihi hore marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Xalay ayaa madaxtooyada Soomaaliya lagu qabtay isu imaaad loogu duceynayey Marxuum C/risaaq Xaajis Xussen, taasoo ay ka qeybqaateen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.