Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xukuno Ku Riday Milkiilaha Radio Shabeelle & Labo Weriye

Muqdisho, Mareeg.com: Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir la hogeeyey milkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdi Maalik Yuusuf iyo weriye ka shaqeeya Idaacadaas oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Xaashi iyo gabar lagu sheegay weriye oo sheegtay in la kufsaday, laguna magacaabo Faadumo Cabdulqaadir.

Xeer ilaalinta ayaa milkiilaha Shabeelle ku eedeysay labo qodob oo kala ah: Inuu doonayo inuu dabargooyo dowladda Soomaaliya iyo inuu aflagaadeeyey qaranka.

Weriye Maxamed Bashiir iyo gabadha sheegtay in la kufsaday ee lagu magacaabo Fadumo C/qaadir ayaa lagu eedeeyey iney been abuureen kufsi, iyadoo gabadhu ku doodeyso in la kufsaday, weriyuhuna ku doodayo inuu wareystay iyadoo sheegtay in kufsi loo geystay.

Maxamed Bashiir Xaashi iyo Faadumo C/qaadir ayaa lagu eedeeyey iney ku been abuurteen weriye ka shaqeeya Radio Muqdisho iyo sawir qaade ka tirsan TV-ga qaranka SNTV.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay go’aanka dacwadda, waxaana Cabdi Maalik lagu xukuma xarig sanad ah oo uu iibsan karo.

Weriye Maxamed Bashiir Xaashi ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig 1 sano xarig uu iibsan karo, halka gabadha sheegtay in la kufsaday lagu xukumay 6 bilood debad jog ah.

Radio Shabeelle ayaa ah idaacad afdheer oo dheegta waxyaabo badan oo qaarkood abuureen buuq iyo muran, waxaana dhawaan xoog booliska Soomaaliya uga saaray gurri ay deganayd oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Mareeg.com