Maxkamadda ciidamada saaka toogatay saddex lagu eedeeyey Shabaabnimo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamadda ciidamada saaka toogatay saddex lagu eedeeyey Shabaabnimo

Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay 3 ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo dhawaan dil lagu xukumay.

Dilka ayaa ka dhacay fagaaraha kazoo horjeeda dugsiga sare ee tababarka booliska Soomaaliya ee Jen. Kaahiye, Ex- Iskuul Bulizio.

Ragga saaka la toogtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Xasan Muxudiin Xasan, Aadan Maxamed Xasan, Bashiir Xasan Maxamed.

Xasan Muxudiin Xasan ayaa ah ninkii bilowgii bisha Ramadaan 3 ka tirsan Alshabaab u fududeeyey iney gudaha u galaan xarunta madaxtooyada oo ay weerar iyo qaraxyo ka geysteen.

Ninkaas wuxuu ka shaqeynayey xarrun shirkad Isgaarsiineed oo gaar loo leeyahay ku leedahay dugaha madaxtooyada, wuxuuna 3 ka tirsan Alshabaab ku qaaday gaari uu watay, kuwaasoo dhamaantood la dirlay, hase ahaatee isaga oo dhaawac ah ayaa la qabtay.

Aadan Maxamed Xasan ayaa isagu ahaa nin lagu eedeeyey inuu dad badan ku dilay Muqdisho, waxaana maxkamadda ciidamadu sheegtay inuu qirtay in uu gacantiisa ku dilay 19-qof oo ay ku jireen xisaabiye ka tirsanaa wasaaradda maamilyadda oo la oran jiray Maxamed Deeq, Xildhibaan la oran jiray Cabdicasiis, labo haween ah.

Bashiir Xasan Maxamed ayaa isagan lagu eedeeyey inuu ka qeyb qaatay dilka xisaabiye Maxamed Deeq oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana uu isu diyaarinayey is qarxin.

Xasan Muxudiin Xasan iyo Aadan Maxamed Xasan waxaa 30-kii July maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah, halka Bashiir Xasan Maxamed lagu xukumay xabsi daa’in.

31-kii July ayaa maxkamadda sare ee ciidamadu burrisay xukunkii maxkamadda darajada 1-aad ee lagu riday Bashiir Maxamed Xasan, kaasoo ahaa xabsi dda’in, waxeynka ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale, maxkamadda ciidamada ayaa ayiday xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda darajada 1-aad ku riday raga kala ah: Xasan Muxudiin Xasan iyo Aadan Maxamed Xasan.

Tuuryare 1111

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ka hadlay goobta 3-daan nin lagu toogtay ayaa sheegay iney sii socon doonaan xukunada dilka ah ee lagu fulin qof kasta ee lagu helo inuu ka tirsan yahay Alshabaab, islamarkaana dilay qof Soomaaliyeed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.