Deg Deg:-Mas’uul ka tirsan dowlada oo lagu toogtay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Deg Deg:-Mas’uul ka tirsan dowlada oo lagu toogtay Muqdisho

Waxaa goordhow agaagarka Sarta seybiyaano ee degmada hodan ee Gobolka Banadir lagu dilay masuul ka tirsanaa Maamulka gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilka uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo watay Dabaabaadka ama Gawaarida ciidamada ay rasaas ku fureen Gaari uu watay Dayax Iimaan Xasan oo ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Marxuumka dhintay iyo askarta saarneyd Gaariga uu muran soo kala dhexgalay kadibana, wadada ay noqotay mid mashquul badan,sidaasina uu ku rasaaseeyey.

Warar hoose oo ay heshay Shabakada Mareeg.com ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay dhigay Askarigii ka dambeeyey dilkaas,isla markaana la geeyey xarunta dambi-baarista ee CID-da.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!