DEG DEG:-Mas’uul Goor dhow lagu Qarxiyey Muqdisho iyo Khasaaro jira… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Mas’uul Goor dhow lagu Qarxiyey Muqdisho iyo Khasaaro jira…

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa daqiiqado kahor laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo sigaar ah uga dhaca agagaarka Xarunta degmada Deyliine ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa nooca dhulka la geliyay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Xoghayaha maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana gaariga uu qaraxa ku qabsaday xili uu marayay agagaarka Xarunta degmada.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee uu badbaaday Xoghaye Mahad Sharaawe.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo kamid ah oo goobta marayay, waxaana ku dhaawacmay qof kale, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, iyadoona goobta ay tageen Ciidamo Boolis ah, kadibna xiray.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan ka hadlin qaraxaas dhacay. Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.