Deg Deg:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Deg Deg:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa goordhow soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay oo ugu hortagay xubno ka tirsan golaha Wasiirada,xildhibaano,saraakiil ciidan iyo Guddi ay u xilsaartay dowlada soo dhaweyntiisa,iyadoo soo dhaweynta ay qeyb ka ahaayeen Shacab aada u badan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan Magaalada Muqdisho waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federalka Soomaaliya iyo dadka sida siweyn u taageersan siyaasiyiin dowladiisii xilal ka soo qabtay iyo qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan Magaalada.

Warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdisho u yimid si uu ugu dhawaaqo Xisbi weyn uu isaga hogaamin doono,kaasi oo kana qeyb galaya doorashada ka dhaceysa dalka 2020-2021.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.