Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay degmada Ceebuur

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka degay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay maamulaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya.

Madaxweyne ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyey madaxda ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo maamulka degmadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegitaankiisa Ceelbuur lagu sheegay mid uu ugu kuurgeliyo xaaladda nololeed ee degmadaas oo Alshabaab hareeraha ka fdhiyaan.

Madaxweyne Xasan ayaa horay u booqday degmooyinka Cadale ee Shabeellaha Dhexe iyo Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245