
Mareeg.com: Madaxeynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose.
Madaxweyne Xasan ayaa Kismaayo uga qeybgelaya munaasabadda furitaanka wajiga 2-aad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega Jubooyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha ayaan wax war ah warbaahinta ku siinin garoonka Muqdisho, waxaana shirka manta ka furmaya Kismaayo looga gol leeyahay in lagu dhameeyo khilaafka beelaha qaar kala dhaxeeya maamulka KMG ah ee JUBA.
Waxaa madaxweynaha uga sii horeeyey magaalada Kismaayo oo halkaas saaka gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane.
Sidoo kale, waxaa saaka Kismaayo gaaray ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Cabdi Afey, kaasoo la socday wafdiga wasiirka maaliyadda.
Amaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka aad loo adkeeyey, waxaana halkaas ka socda qaban qaabada soo dahweynta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.
Mareeg Media