Madaxweyne Xasan oo kasoo degay garoonka Muqdisho kuna sugaya madaxweynaha Turkiga

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’ud ayaa goor dhow oo saaka ah kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu u tegay tacsida boqrkii hore ee dalkaas, Cabdalla Bin Cabdilcaziiz.

Madaxweynaha iyo madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, iyagoo halkaas ku sugaya wadfiga ballaaran ee madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan.

Qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga ayaa socota, waxaana la filayaa inuu saacadaha dhow kasoo dego garoonka Aadan Cadde oo qeyb cusub ay Turkigu ku krodhiyeen.

Wixii soo kordha kala soco Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245