Madaxweyne Xasan oo Cumar C/rashiid u magacaabay RW Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo Cumar C/rashiid u magacaabay RW Soomaaliya

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cumar C/rashiid Cali Sharmarke u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kaddib markii 6-dii bishan ay baarlamaanka codka kalsoonida ah kala laabteen xukuumaddii Ra’iiusul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu ka soo dhalaalo howlaha Qaran ee loo igmaday, isla markaana uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa hiigsiga sanadka 2016-ka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo 54 jir ah ayaa dhashay 19-kii June ee sanadkii 1960, waxaana 13-kii February  sanadkii 2009-ka loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cumar C/rashiid ayaa haatan ahaa danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, waxaana sida ay sheegayaan ilo dublamaasiyadeed lagu magacaabay talobixin ka timdi Mareyanka.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!