DEG DEG: Madaxweynaha oo xilligan kulan albaabada u xiran la leh Xildhibaanadii ugu baaqay inuu is casilo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Madaxweynaha oo xilligan kulan albaabada u xiran la leh Xildhibaanadii ugu baaqay inuu is casilo

Mareeg.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan kulan albaabada u xiran waxaa uu kula leeyahay Xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah Xildhibaanadii saddex maalin ka hor ugu baaqay inuu is casilo.

Ilaa 41 Xildhibaan oo ay iska soo xulaan in ka badan 100 Xildhibaan ayaa hada kulan la leh Madaxweynaha, iyagoo u gudbinaya warqada baaqa aheyd inuu is casilo Madaxweynaha.

Ilo wareed ayaa sheegaya in kulanka uu hada socdo daqiiqado, isla markaana saacado ay kulan la lahaayeen Xildhibaanadan Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo u gudbiyay warqadii talo soo jeedinta ee ay ku dalbanayeen inuu is casilo Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay dhawaaqa siyaasadeed ee ka soo yeeray Xildhibaanada, waxaana uu cadeeyay inuu diyaar u yahay in cid kasta oo wax ka tabaneysa uu la fariisto.

Baaqii Xildhibaanada ee ay ku dalbanayeen inuu Madaxweynaha is casilo ayaa ka koobnaa 14-qodob oo gebi ahaanba Madaxweynaha lagu eedeeyay in lixdii tiir ee astaanta u aheyd qorshihiisa siyaasadeed in uusan waxba ka qaban, ammaankii oo faraha ka baxay, iyo arrimo kale.

Laakiin lama oga inuu marna aqbali doono soo jeedinta Xildhibaanada ee ah inuu xafiiska isaga tago oo is casilo, waxaase la filayaa in Madaxweynuhu uu galaan gal badan u galo sidii u kala fur furi lahaa Xildhibaanada ku kacsan.

Waa culeyskii siyaasadeed ugu weynaa ee soo wajaha Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii xilkan loo doortay dhamaadkii sanadkii 2012.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!