Warar goor dhow la heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Saacid uu xilligan shir uga socdo Xarunta Madaxtooyada, iyadoo la sugayo go’aanada ugu dambeeyay ee shirkaas ka soo bixi doono.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa saacadihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay la taliyeyaashiisa, wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin, isagoo u bandhigayay go’aanka Madaxweynaha uu ku gaaray inuu is casilo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan uu yahay kulankii Golaha Amniga Qaranka ay ka leeyihiin xaaladaha amni ee dalka, waxaana la leeyahay ma ahan mid quseeya arrinta is casilaada Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominaya kulankan Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Hey’adaha ammaanka dowladda, sida Taliyeyaasha ciidamada, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Gaashaandhiga, waxayna u muuqataa mid labada Mas’uul ay wali sii wada shaqeynayaan ilaa waqtiga ugu dambeeya.
Inkastoo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay jahwareer siyaasadeed uu jiray, hadana waxaa la ogeyn go’aanka ugu dambeeya ee la gaari doono, iyadoo arrimuhu ay wali yihiin kuwo aad u cakiran, xaaladana meeshii ugu sareysay ay mareyso.
Xalay ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa gurigiisa ugu tagay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Axmed Cabdisalaan oo ku sugan Muqdisho, kadib markii uu u diray Madaxweynaha, si uu ugu qanciyo inuu is casilo.
Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in Labada Xafiis saacadihii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo saxmad leh, oo kulamadana ay ahaayeen kuwo aan loo kala kicin.
Laakiin kulanka hada u socda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqonaya 48-saacadood kadib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ku kala tageen kulan waqti badan socday oo labo cisho ka hor ay ku yeesheen Madaxtooyada, kaasoo Madaxweynuhu si cad ah ugu wargeliyay inuu is casilo Ra’iisul Wasaare Saacid.
Ilo wareedyo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya inay jiraan culeysyo Ra’iisul Wasaaraha lagu saarayo oo ah inuu deg deg isu casilo, isla markaana khilaafka isaga iyo Madaxweynaha uu gaaray heer aanay isula shaqeyn karin.
Waxaa jira is faham iyo gor-gortan siyaasadeed oo la doonayo in Ra’iisul wasaaraha looga dhaadhiciyo inuu Xafiiska ka tago, waxaana gor gortaan ka mid ah dhaqaale laga yaabo in loo balan qaado Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray fariin uu u diray Taageerayaashiisa Muqdisho inay is dejiyaan, kadib markii laga war helay inuu socdo abaabul banaan baxyo ah.
“Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheeyda Muqdisho ku sugan in ay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan. Mahadsanidiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Go’aanada ugu dambeeya ayaa noqon kara mid hal dhinac u dhaco, hadii Madaxweynaha ku adkeysto inuu is casilo Ra’iisul wasaaraha, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhuna diido mar kale, waxay u badnaan doonta in lagu kala baxo Baarlamaanka, ama weji kale ay isu rogto oo ay Wasiiro is casilaan.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe