Deg Deg:-Madaxii Maaliyada Ururka Al Shabaab Ee Gobolada Dhexe Oo La Dilay

Wararka aan ka heleyno Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay  sheegaya in Ciidamada dowlada Goboleedka Galmudug  Howlgal qorshaysan ay ku dileen Madaxii Maaliyadda Ururka Al Shabaab ee Gobolada Dhexe nin lagu sheegay magaciisa Carab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay In sarkaalka la Dilay uu dhibaatooyin badan uu ku hayay dadka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee koonfurta Soomaliya islamarkaana uu kusoo rogay Lacago badan in laga qaado.

Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay Ururka Al Shabaab ee ku aadan Wararka sheegaya in la Dilay Madaxii Maaliyadda Al Shabaab ee Gobolada dhexe kaa lagu magaciisa lagu sheegay Carab.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia