DEG DEG:-Madaxda Dowladda iyo maamul Goboleedyada oo shir u furmay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Madaxda Dowladda iyo maamul Goboleedyada oo shir u furmay

Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa goor dhow waxaa uu ka furmay Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Shirkaan oo ah mid  Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, dhammaan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa uu hordhac u yahay Shirka Wadatashiga Qaranka ee doorashooyinka dalka ayaa waxaa Maanta looga hadlayaa Ajendayaasha Shirkaas, waxaana Shirkaan soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.