Madaafiic xoog leh oo xilligan ridayaan Amisom Muqdishu * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaafiic xoog leh oo xilligan ridayaan Amisom Muqdishu

Mareeg.com-
Duqeyn xoog leh ayaa xilligan ku socoto qeybo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho, iyadoo duqeymaha qaarkood ay ka dhaceyso Xarumaha AMISOM ee ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasoo jawaab ah.

Inkastoo ay adag tahay in la helo warar ku saabsan madaafiicda caawa dhaceysa, hadana dhawaaqooda ayaa si aad ah looga maqlayaa inta badan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore madaafiic lagu soo duqeeyay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo madaafiicdaas ay aheyd kuwo is xigtay.

Daqiiqado kadib ayaa la maqlay madaafiic hugunkooda aad looga dareemay magaalada, kaasoo u muuqday mid jawaab aheyd.

Magaalada Muqdisho ayaa habeenadii la soo dhaafay laga maqlayay duqeymo, iyadoo dadweynaha reer Muqdisho ay dib u soo xusuusteen sanado ka hor oo magaalada aheyd mid duqeymaha ay xilli walba caadi ka aheyd,

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!