Deg Deg:-maamulka Hirshabeelle iyo Dowlada Dhexe oo heshiis gaaray + Akhriso

Read Time:38 Second

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Goordhow shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay, wada hadalo Dowladda  dhexe iyo Hirshabelle maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in, kaddib markii Dowladda ay ka garowday Tabashada Hirshabelle ayna balanqaaday in la xalinayo tabashada Hirshabelle ay qabtay, taasi oo qeyb ka ah in Hirshabelle lagala shaqeeyo Furista wadooyinka xiran iyo sugida amniga, in saami laga siiyo Dekadda Muqdisho, maadaama Zone-ka Hirshabelle ay ku taalo uu yahay Gobolka Banaadir, laakiin madaxweynaha waxaa uu xusay in aysan waxba iska bedelin ka mid ahaanshiyaha Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira, waxaana haddaba uu ku howlan yahay sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %