Warqada xaadirinta xildhibaanada Soomaaliya oo labo mar la jeexjeexay

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka isu tegay xarrunta Golaha Shacabka, waxaana bilowday arrimo horudhac u ah fowdo, iyadoo xildhibaanada taageersan RW Cabdiweli ay labo mar jeexjeexeen liiska ay saxiixaan xildhibaanada soo xaadira kulamada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan xarrunta ayaa warbaahinta u sheegay labo mar la jeejeexay liiska warqada xaadirinta xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha diidan mooshinka ay jeex-jeexaan warqada, kadibna mar labaad lasoo daabacay, hadana ay jeex-jeexeen.

Warbaahinta ayaa loo diiday iney gudaha y galaan xarrunta Golaha Shacabka. waxaana lasoo warinayaa in Xildhibaanada mooshinka diidan ay u diyaarsan yihiin iney mooshinkaas dhiciseeyaan.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta la doonayaa in la horgeeyo mooshinka codka kalsoonida loogala noqonayo RW Cabdilweli Sheekh.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %