DEG-DEG: Labo xildhibaan oo lagu dhaawacay Muqdisho

Mareg.com: Laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay rasaas fureen dabley wadatay gaari.

Xildhibaanada la dhaawacay, ayaa waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay Xildhibaan Cabdalla Axmed Boss iyo Xildhibaan Yuusuf Dirir, Xildhibaan Boss waxaa dhaawaciisa lagu sheegay mid culus.

 Xildhibaanada la dhawacay watay gaari SUZUKI ayaa waxaa iyagoo maraya jidka Maka Almukarrama rasaas furiay dabley wataya Gaari TOYOTA ah.

Gaariga Xildhibaanada la socdeen ee lagu rasaaseeyay Wadada Maka Al-Mukarama

Goobjoogayaal, ayaa waxay sheegayan in rasaas xoogan oodda looga qaaday gaarigii ay Xildhibaanadu la socdeen, isla-markaana ay baxsadeen kuwii weerarka geystay.

Lama oga cidda weerartay xildhibaanada, hase ahaatee Alshabaab ayaa horay Muqdisho ugu dilay xildhibaano dhowr ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245