Qaraxyo gilgilay caasimadda Kenya ee Nairobi oo ay 10 qof ku dhinteen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaraxyo gilgilay caasimadda Kenya ee Nairobi oo ay 10 qof ku dhinteen

Nairobi – Mareeg.com: Labo qarax oo is xigay ayaa galabta oo jicme ah ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kuwaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa koowaad waxaa lala beegsaday gaari nuuca dadweynuhu raaco ah, kaasoo Kenya looga yaqaano matatu, halka qaraxa labaad uu ka dhacay suuq laga dukaameysto oo lagu magacaabo Gikomba.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in ilaa 10 ruux ay ku dhinteen qaraxyada, halka dad kale oo farabadan ku dhaawacmeen. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka.

Jared Ojuk, oo ah ku xigeenka afhayeenka booliska Kenya ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dad badan ku dhaawacmeen weerarka, uusana ogeyn tirade dhimatay.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmay iyadoo dalalka Britain, Mareykanka, France iyo Australia ay muwaadiniitooda uga digeen iney sii joogaan Kenya, islamarkaana bilaabeen iney dadkooda halkaas ka qaataan.

Waa qaraxyadii labaad oo muddo bil gudaheed ah ka dhacaya Kenya, iyadoo qaraxyadii ugu dambeeyey ay ku dhinteen 3 qof, 60 kalana ku dhaawacmeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.