Deg Deg: Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo ciidan cusub oo la wareegay

Waxaa goordhaw furmay kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo maanta isha lagu wada hayo.

Fariin kale oo duhurnimadan loo diray Xildhibaanada ayaa loogu sheegay inuu jiro kulankii weynaa ee Golaha Shacabka kaa oo looga doodayo mooshin ku saabsan doorashada dalka.

Ciidamada Booliska ayaa laga saaray xarunta Baarlamaanka waxaana la wareegay ciidanka ilaalada shacabka oo nabad sugid ah.

Qorshaha waxa uu ahaa in saakay 9:00 Subaxnimo uu kulanka furmo balse waxa dib uu u dhac kadib markii saakay Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Joon uu ku dhawaaqay inuu kulanka joojiyay.

Xildhibaano dhowr ah ayaa xaadiray kulanka lama tirada rasmiga ah iyo in uu kooramka buuxsami karo.

Kulankan ayaa laga cabqi qabaa in muddo kordhin loogu dhawaaqo muddo kordhin laba sano ah oo Baarkaamnak uu ugu darayo xukuumadda iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaado.

Muqdisho-Somalia