Categories
Af Soomaali

Deg Deg: Kulan xasaasi ah oo Villa Soomaaliya uga socda RW Rooble iyo C.C. Shakuur

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’isl Wasaare Rooble uu shir kula leeyahay xafiiskiisa Madaxtooyada hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

C.C.Shakuur oo ay galbinayan gawaarida gaashaaman ayaa galay madaxtooyada oo waliba aad loo ilaalinayo halkaa oo sidoo kale uu daganyahay madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Lama oga ajandaha kulankooda iyo waxa ay kawada hadlayaan balse waxa uu kulanka ku soo aadayaa xili RW Rooble uu gaashaanka u daruuray amar ka soo baxay Maxamed Farmaajo kaa oo la xiriiray in wax heshiis aysan galin karin hay’daha dowladda, balse Ra’isul Wasaaraha oo arintaas ka jawaabaya ayaa sheegay inuu dalka mas’uul ka yahay islamarkaana warqada Farmaajo ay tahay waxba kama jiraan.

Ilo muhiim ah ayaa sidoo kale sheegaya in ay suuragal tahay in C.C. Shakuur xil loo magacaabayo iyadoo aan la ogeyn xilka xiligan loo dhiibi karo maadaama uu yahay muharax madaxweyne.

La soco wixii warkan ku soo kordha

By MM

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline
Email: news@mareeg.com